Search
Close this search box.

Ku sabsan xadgudubka galmada

Waxa aanu carruur weydiinay sida ay ku bartaan inuu jiro xadgudubka galmadu. Dhamaan cid kasta oo aan la hadalney waxay ka maqleen TV-ga, ama ka fiirsadeen filim iyo warbaahinta bulshada, ka akhriyeen buugaagta iyo joornaalada. Qaar ka mid ah carruurta ayaa sidoo kale waalidkood kala hadlay ama macluumaad ka helay dugsiga. Waxay ay aheyd  mid wanaagsan!

Halkan waxa ku yaala waxyaalaha ay wanaagsan tahay in la ogaado:

  • Adiga ayaa go’aaminaaya jidhkaaga! Waxaad mar kasta odhan kartaa maya haddii uu qof rabbo inuu hab ku siiyo, ku dhunkado ama ku taabto.
  • Waa danbi in qof kale lagu qasbo galmo
  • Waxaad xaq u leedahay inaad maya galmada ka tidhaa xataa haddii aad wada socotaan ama aad hore galmo u sameyseen
  • Qofka ka weyn 15 sanno ma aha inuu la sameeyo galmo qof ka yar 15 sanno
  • Qofna ma aha inuu qaado ama fidiyo sawiro qaawan oo adiga ah haddii aad ka yar tahay 18 sanno
  • Qofna ma aha inuu galmo ku gato lacag, alaab ama adeegyo. Iswiidhan waa danbi in galmada la gato
  • Waa inaad markasta soo sheegto haddii uu qof wax ku yeelo ama xadgudub galmada kuu geysto. Haddii uu qof ku yidhaa ma sheegi kartid ayay taasi qalad tahay!

Dusha lagama arki karro

Waxa jira dad waaweyn oo xadgudub u geysta carruurta. Waxay kuwaasi noqon karaan waalid, qof qaraabo ah ama qof weyn oo kale. Laakiin qaar badan oo sameeya xadgudubka galmada ayaa ka yar 18 sanno jir. Waxa uu noqon karaa wiil ama gabadh saaxiib wada ah ama qof saxiib ah. Waxa uu sidoo kale noqon karaa qof aan la aqoon. Dusha lagama arki karro cida xadgudubka ku sameysay cida kale.

Marna ma aha adiga qaladkaaga!

Qaar badan oo loo geysto xadgudubka ayaa dareemi kara inay iyaga qaladkooda tahay iyo inay iyagu joojin layaaheen ama iska caabiyi lahaayeen. Marna adiga qaladkaaga ma aha haddii laguu geystey xadgudubka galmada. Waa cida qofka kale waxyeelaaya markasta cida qaladka sameynaya. Carruurta ay xadgudubku soo gaadheen ayaa u arka in ay dadka waaweyn iyo kuwa ay isku da’da yihiinba ka maqlaan inaanay iyaga qaladkood aheyn. Taasna jecel marar badan inay maqlaan.

Haddii adiga ama qof kale oo aad taqaano loo geystey

Waxaad xaq u leedahay inaad sheegto waxa dhacay iyo haddii laguu geystey xadgudubka galmada. Waxaad adigu la hadli kartaa:

  • Saaxiib
  • Hooyo ama aabe
  • Walaal
  • Qof qaraabo ah
  • Qof weyn oo qoyska saaxiib la ah
  • Macalin
  • Hogaamiyaha madadaalada.
  • Skolsköterska (qof ka shaqeeya dugsiga)
  • Kurator (qof ka shaqeeya dugsiga)
  • Hogaamiyaha xiliga firaaqada
  • Shaqaalaha ka shaqeeya ungdomsmottagningen (xarunta qaabilaada ee ay dhallinyaradu u taggi karaan wixii su’aalo ee ku sabsan jidhka, jinsiga, uurka, xidhiidhka iyo walaaca).

Waxa jirta caawimo iyo difaac la heli karro.

Wac 112 haddii aad hesho xadgudub dhacaaya ama haddii uu ilme ku sugan yahay khatar degdeg ah.

Wac 114 14 ama raadso qof booliis ah haddii aad rabto inaad danbi soo sheegto.

Miyaad adiga ama qof saaxiib ahi u baahan yahay difaac ama taageero? La soo xidhiidh socialtjänsten ee kamuunkaaga.

Linkiga lambarada caawimada Rädda Barnen

Halkan waxa ku jira macluumaad dheeraad ah:

www.jagvillveta.se (information in English)

www.youmo.se (information in Soomaali and other languages)

www.tjejjouren.se (information in Swedish)

www.killfrågor.se (information in Swedish)

www.bris.se (information in Soomaali, English and other languages (Google translate))

Halkan ayaad ka helaysaa caawimo:

www.bup.se (information in English)

www.allmannabarnhuset.se (order brochures in other languages, information in Swedish )